FANKA Archive

Muuqaal: Hees cusub oo ka hadlaya wax yeelaynta dhirta. Kooxda Bay Star Band

Kooxda Bay Star Band oo ah ah koox faneed ka dhisan magaalada Addis ababa qayb ahaana ka howlgasha gudaha dalka Soomaaliya ayaa waxa ay soo saartay hees cusub oo ka hadlayso wax yeelaynta dhirta, gaar ahaan jarista geedaha dhuxusha laga shido. Heeska oo uu

Dhegayso: Maamulka Somaliland oo xabsiga dhigay fanaaniinta Xidigaha geeska ee Muqdisho bandhig faneedka Ciida kusoo qabtay

Maamulka Somaliland ayaa waxa uu xabsiga dhigay afar fanaan oo ka tirsan Xidigaha Geeska kuwaasoo kasoo laabtay magaalada Muqdisho kadib markii ay bandhig faneed Ciida loogu talagalay kusoo qabteen magaaladaas. Fanaaniinta kala ah Nimcaan Hilaac, Xamda Queen,  Maxamed Axmed Bakaa iyo Cabdiraxmaan Caydiid Cabdi

Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh, ‘’Dib u soo nooleynta Akademiyadda Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta waxay ku fadhidaa micno taariikhi ah’ “

Madaxweynaha dowlada federaalka  Soomaaliya,  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dhagax dhigay xaruntii Akademiyadda Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta oo ku burburtay dagaalladii sokeeye. Akadeemiyadda Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta ayaa horay u ahayd hoygii qoristii Af Soomaaliga, cilmi baarista dhinaca dhaqanka, hiddaha iyo kaydinta dhaqanka iyo

Sooyaalka Noloshii Sillooneyd. Q12AAD. By: Cabdiraxiin Hilowle Galayr

lbir, wali waa daacad, ka sokow, inuu is lahaa marwo Hodan abaal weyn ayey kugu leedahay, haddana, wuxuu u sii tixgelinayey in ay xaas u tahay ganacsade Barroow, oo xushmadda uu hayo ka sokow, hadda ayba nabad iyo Isfahan xaalkoodu ku dhammaaday. Ilbir, ma

Sooyaalka Noloshii Sillooneyd Q11AAD. By: Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Marwo Hodan ayaa qacdii horeba aragtay ilmaha yar, haddey xuuraanteyna ogaatey in dulmigii odaygeedu heerkaa gaadhay, markaasay intey ku barooratey la boodday, oo guriga gelisay. Marwo Hodan waa qof naxariis badan, oo aqoonyahana. Way ogtahay dhibaatada ninkeedu dadka ku hayo, habeen iyo maalinna waa

Sooyaalka Noloshii Sillooneyd Q7AAD. By: Cabdiraxiim Hilowle Galayr

Habeenkii oo dhan ayaa hawlgal lagu jiray. Ciidamadii Ilbir waxay xidheen jidadka soo gala Dheryaaley, meel walba laba ka mida ah, gaadiidka tiknikadaa la dhigay, ee Ilbir u taliyaa la dhigay. Waxaa laysu diyaariyey in subaxnimada weerar gaadmo ah lagu ekeeyo xerada ciidamada Maxaakiimta

Sooyaalka Noloshii Sillooneyd Q6AAD.‏ By: Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Waxaa arkayey markii la ka xaystay Doolli iyo Dalmar saaxiibkood Samatar, oo wax badan ka daba qayliyey baabuurkii lagu qaadey, hase yeeshee, Samatar ma gaadhin mana awoodin wax intaa ka badan, oo ciil iyo cadhadii ayuu  meel darbi ah oohin la fadhiistay. Samatar, oo

Sooyaalka Noloshii Sillooneyd Q5AAD. By: Abwaan Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Ka dib markii Doolli uu ka soo badbaaday xadhigii iyo dilkii loo geeystay, ayaa waxaa baabuur nooca loo yaqaan Tiknikada ku soo qaaday, weliba Shidhka hore fariisyey  Ibir, oo ahaa hoggaamiye maleeshiyaadkii soo badbaadiyey. Wuxuu aad ula sheekaystay Doolli, oo weydiiyey, wuxuu qabto. Doolli

Sooyaalka Noloshii Silloooneyd Q4AAD‏. By: abwaan Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Markii Hanad ka soo degay baabuurkii, oo Nageeye ay is maca salaameeyeen, ma jirin, Hanad meel u asteysan inuu aado iyo meel u qorsheysnaydba. Xaalku waa meeshii Soomaalidu ka odhan jirtay, marka Awrka rareyda ah Jilaalkii oo dhan, lagu dhaansado, lagu guuro, ayaa marka

Daawo Maansadii Buufis iyo abwaanka da’da yar Maxamed Cilmi Dhicisow

Akhristayaasha sharafta leh ee ku taxan shabada warbaahinta Baidoa Media Centre waxaan idiinsoo gudbinaynaa maansadii Buufis iyo abwaan Maxamed Cilmi Dhiciso anaga oo idinka haqabtiri doona maansooyinka qiimaha badan ee uu abwaanku tiriyay oo ah kuwo xaqiiqda ku qotoma islamarkaasna micno weyn ku fadhiya.