Author Archive

Maxamed Sh. Jawaari oo ku dhawaaqay musharaxnimada Guddoonka baarlamaanka.

Xildhibaan Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” oo ahaa Guddoomiyiha golaha shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, intii u dhaxeysay 2012-2016 ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay maanta in uu aqbalay codsi uga yimid Shacabka Soomaaliyeed oo ku aadanaa in uu mar kale isku soo taago xilka Guddoomiyaha

Shaqaale ka tirsan Hay’adda UNDP oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Muqdisho

Qarax ayaa saaka ka dhacay meel aan ka fogeyn xarunta hay’ada horumarinta Qaramada Midoobay UNDP, kaasi oo sababay dhaawaca afar kamid ah shaqaalaha hay’adaasi. Qaraxa ayaa ka dhacay garaash ku dhexyaala inta u dhaxeysa xarunta UNDP iyo Hotel Jazeera halkaasi oo xalay gaariga uu ku

Sheekh Shariif, C/qaadir Cosoble iyo Tarsan oo kulan gaar ah Muqdisho ku yeeshay

Kulan saacado qaatay ayaa dhexmaray qaar kamid ah musharixiinta ugu cad cad sanadkaan, waxaana kulanka uu ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Kulanka ayaa u dhaxeeyay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, musharax madaxweyne C/qaadir Cosoble Cali iyo Maxamuud Axmed Nuur Tarsan gudoomiyihii

Xaflad Isku Sharaxayo Xasan Sheekh Maxamud oo Caawa Ka Socota Muqdisho.

Xaflad uu si rasmi ah ugu dhowaaqayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu yahay Musharax Madaxweyne ayaa caawa waxa ay ka socotaa mid kamid ah hotelada ugu waaweyn magaalada Muqdisho. Xafladaan ayaa waxaa ka soo qeybgalay oo goob joog ka ah xildhibaanada labada gole,wasiiro iyo

Waqtiga la qabanayo doorashada guddoonka Baarlamaanka oo la shaaciyay.

Guddiga qaban qaabada Doorashada Guddoonka Baarlamaanka oo dhowaan la dhisay ayaa sheegay in doorashada guddoomiyaha baarlamaanka iyo labadiisa ku xigeen ay dhici doonto 11-ka ilaa 12-ka Bishan January. Guddiga ayaa sheegay in Doorashada Guddoomiyaha Golaha shacabka iyo labadiisa ku xigeen ay bilaabanayso 11ka bishan ayna

(SAWIRRO):- Guddoomiyaha Maxkamada Sare Ibraahim Iidle oo booqday Xabsiga Dhexe.

Gudoomiyaha  Maxkamadda sare ee Dalka Ibrahim iidle Suleymaan ayaa maanta booqday Xabsiga Dhexe ee magaalada Muqdisho oo ay ku xiran yihiin maxaabiis isugu jira rag iyo dumar waxaana halkaa ku soo dhoweeyay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac iyo saraakiil ka

DEG DEG:- Sawirro: Labo Qarax oo Xoogan oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho.

Labo qarax oo waa weyn ayaa goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho iyadoo qaraxyadan ay ka dhaceen meel ku dhow garoonka diyaaradaha iyo xarunta Xalane ee sida weyn loo ilaaliyo. Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxyadan ay ahaayeen kuwo ka dhashay baabuur waxyaalaha qarxa

Musharax madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo magaalada Muqdisho ku soo laabtay.

Waxaa maanta magaalada Muqdisho dib ugu soo laabtay madaxweynihii hore ee dowladdii kumeel gaarka aheyd Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo haatan ah musharax madaxweyne. Musharax Sheekh Shariif oo maalmihiila soo dhaafay ku sugnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay

Fowsiyo Yuusuf iyo Muuse Ismaaciil oo ku guuleystay doorashadii Maanta Ka Dhacdey Muqdisho.

Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu qabtay doorashada xildhibaanada aqalka hoose ee matalaya goboladda waqooyi ee dalka, waxaana ku soo baxay qaar ka mid ah xildhibaanadii baarlamaanka ka tirsanaa. Wasiirkii hore ee arimaha dibadda Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan, ayaa ku guuleysatay doorashada kursiga koowaad ee

(SAWIRRO):- Madaxda Maamul Gobaleedyada Puntland iyo Galmudug oo Heshiis ku Gaarey Muqdisho.

Madaxda maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa magaalada Muqdisho ku kala saxiixday heshiis ku saabsan xiisadaha iyo colaadaha ku soo laa laabtay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug. Heshiiska ayaa dhigaya in laga shaqeeyo sidii nabad loogu noolaan lahaa magaalada Gaalkacyo, waxaana labada dhinac u kala

(SAWIRRO):- Taliye ku xigeenkii madaxtooyada Soomaaliya oo aas qaran loogu sameeyay Muqdisho

Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu aasay taliye ku xigeenkii ciidamada madaxtooyada Soomaaliya G/sare Cabdi Cabdulle Qoorgaab oo shalay askari uu ku dilay xafiiskiisa oo ku dhex yaala madaxtooyada Soomaaliya. Saraakiil ciidan ayaa ka qeyb galay aaska taliye ku xigeenka, waxaana ka mid ahaa Maxamed

Idris Cabdi Dhaqtar oo Maanta ku Dhawaaqey Hadal Ka naxiyey Sharif Xasan Kadib Dhaarinta Xildhibaanada.

Musharaxa Madaxweynaha Soomaaliya ahna Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Wuxuu Marar Badan Baydhabo Kulan Kula yeeshey Xildhibaanada Baarlamanka Labada aqal ee laga soo doortey Magaalada Baydhabo Waxaana ujeedada ugu weyn ee Xildhibaanada kula Hadli jirey ay aheyd In Xildhibaan Katirsan Digil iyo Mirifle aan Isku

(SAWIRRO):- Dhaarinta Xildhibaanada cusub ee baarlamaanka Federaalka oo bilaabatay

Waxaa Maanta Dugsiga sare ee Tababarka Booliska Gen Kaahiye Ex School Polizio ka bilaabatay Munaasabada dhaarinta Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Federaalka iyo kalfadhiga 1aad ee Baarlamaanka 10aad, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Avv. Ibraahim Iidle Saleebaan ayaa Xildhibaanada labada Aqal dhaarinaya, iyadoo loo dhaarinayo

Xildhibaannada cusub ee labada Aqal oo maanta lagu dhaarinayo Muqdisho.

Munaasabadda dhaarinta Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta oo Talaado ah lagu wadaa inay ka dhacdo magaalada Muqdisho, iyadoo fadhigii u horeeyay ee Baarlamaanka 10aad uu maanta bilaabanayo. Qaban qaabada munaasabada dhaarinta ayaa laga dareemayay magaalada Muqdisho tan iyo maalintii

Madaxda Madasha oo go’aan ku gaaray in dib loogu celiyo doorashada 5-kursi

Madasha Hoggaanka Qaran (MHQ) ayaa kulan ku yeelatay magaalada Muqdisho 25 – 26 Disembar 2016-ka, iyadoo kulankan uu daba socday kulankii Madasha ee socday 15-kii illaa 24-kii bishan ayaa waxaa looga hadlay go’aan ka gaarista iyo dhameystirka arrimaha ka harsan doorashooyinka dadban ee golaha

Tartanka gabdhaha kubbadda kolayga Maamul goboleedyada oo lagu soo gabagabeeyay Garowe

Tartan ay ciyaaraha kubbada kolayga gabdhaha ee maamul goboleedyada dalka oo ka socday maalmihii la soo dhaafay magaalada Garowe ayaa la soo gabagabeeyay. Tartankan oo ay ka qeybgaleen kooxo ku ciyaarayay magaca gabdhaha Maamulka gobolka Banaadir,Maamul goboleedka Hirshabeelle,Puntland iyo Galmudug. Ciyaarahan oo socday muddo

(Sawirro):- Musharax Cumar C/rashiid oo la kulmay Xildhibaanada labada Aqal ee Jubbaland.

Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha ayaa bilaabay xod-xodashada iyo kasbashada Xildhibaanada laga soo doortay gobolada, iyadoo Musharax walba uu dadaal ugu jiro sidii uu u heli lahaa kalsoonida Xildhibaanada. Ra’iisul Wasaaraha xilka sii haya ahna Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Cumar C/rashadiid ayaa shalay

Maamulka Puntland oo beelo u qoondeeyay saddexdii kursi ee lagu kordhiyay Aqalka Sare

Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas oo ka qeyb galay shirkii Madasha Wada-tashiga Qaran ee habeen hore laga soo saaray war murtiyeed ayaa beelo u qoondeeyay kuraastii lagu soo kordhiyay Aqalka Sare ee Baarlamaanka. Saddexda xubnood ee Puntland ka soo gaaray Aqalka Sare ayaa

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo baajiyay banaan bax saaka ka dhici lahaa Muqdisho.

Banaan bax looga soo horjeeday xubnaha lagu daray Aqalka Sare ee laga qadiyay Gobolka Banaadir oo saaka lagu waday inuu ka dhaco magaalada Muqdisho ayaa la baajiyay. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa shalay ku baaqay isu soo bax ballaaran oo lagu muujinayo

Ciidamada dowladda oo qarxiyay miino la dhigay maqaayad ku taala isgoyska Howlwadaag

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa qarxiyay miino la dhigay mid ka mid ah maqaayadaha ku yaala isgoyska Howlwadaag ee magalada Muqdisho. Qaraxa miinada oo ahaa mid xoogan ayaa laga maqlay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay inuusan jirin waxyeelo dadka ka soo gaartay

Xeer ilaaliyihii maxkamada ciidamada ee Puntland oo lagu dilay magaalada Boosaaso.

Kooxo hubeysan ayaa magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ku dilay xeer ilaaliyihii maxkamada ciidamada qalabka sida ee Puntland, xili uu kusugnaa bartamaha magaalada. Dilka kadib ayaa ciidamada maamulka Puntland waxay baaritaano ka bilaabeen xaafadaha magaalada Boosaaso gaar ahaan halka uu dilka ka dhacay. Xeer

Akhriso Warmurtiyeed Laga Soo Saarey Shirkii Hogaamiyaasha Madasha Qaran.

Madasha Hoggaanka Qaran (MHQ) oo kulan ku yeelatay magaalada Muqdisho intii u dhaxeysay  15 – 24 Disembar 2016-ka ayaa ahaa kulankii ugu waqtiga dheeraa, waxaana kulanka laga soo saaray war murtiyeed ka kooban dhowr qodob. Madaxda Madasha ayaa isku raacay in 18 xubnood lagu

(SAWIRRO):- Maareeyayaasha Airporada Gobalada Dalka Oo Muqdisho loogu Sameeyey Kulan Sagootin ah.

Ururka diyaaradaha dalka ayaa maanta xaflad sagootin ah u sameeyay maareeyayaasha ayraboorada dalka. Xafladan sagootinta ah waxaa la sameeyay xili 5 maalmood tababar uu ugu soo gabagaboobay magaalada Muqdisho. Waxaa xaflada sagootinta maareeyaasha ayraboorada dalka kasoo qaybgalay maareeyaha guud ayraboorka Adan Abdulle Osman ee

(SAWIRRO):- Xeer Ilaaliyayaal Soomaali ah oo xalay gaaray Kuwait.

Danjiraha Soomaaliya ee Dalka Kuwait ahna Hormuudka Safiiradda Carbeed iyo qaar ka mid ah Diblomaasiyiinta Safaaradda ayaa Xalay saqdii dhexe garoonka Dayuuradaha ee Caasimada Kuwait ku soo dhaweeyay 15 Xeer Ilaaliye,  oo tababar xagga Garsoorka ah ku qaadan doona Machadka Tababarrada Adeegga Garsoorka ee

(Sawirro):- Qaban qaabada Furitaanka Kalfadhiga 1aad ee Baarlamaanka cusub iyo dhaarinta Xildhibaanada.

Waxaa ka socota magaalada Muqdisho qaban qaabadii u dambeysay ee ku aadan furitaanka kalfadhiga 1aad ee Baarlamaanka Federaalka ah ee  Soomaaliya iyo dhaarinta Xildhibaanada cusub, iyadoo shalay ay baaqatay dhaarintii Xildhibaanada Diyaar garowga ayaa ah mid heerkiisu aad u sareeyo, iyadoo la xardhay hoolkii

Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay shirka Madasha ee ka furmaya Muqdisho

C/wali Gaas ayaa sheegay in shirka Madasha oo socon doona labo maalin looga hadlayo gaba gabeynta howlaha doorashada sanadka 2016. “Shirka Madasha waxaa uu soconayaa labo maalin, waxaa looga hadlayaa gaba gabeynta doorashada 2016, iyo wixii kaloo harsan”ayuu yiri C/wali Gaas. Madaxweynaha Puntland ayaa

Wakiilka Qaramada Midoobey oo La Kulmey Gudiga Xalinta Qilaafaadka Doorashooyinka.

Kulankan oo la sheegay in ay albaabada u xirnaayeen ayaa labada dhinac waxa ay ka wada hadleen go’aankii lagu baabi’iyay natiijadii ka soo baxday doorashada ee 11ka kursi. Lama oga natiijada ka soo baxday kulankan hase yeeshee waxaa la filayaa in dhowaan ay war

War Saxaafadeed ay soo saareen Guddiyada Hanaanka Doorashooyinka dadban ee Afar Maamul-goboleed.

War Saxaafadeed Wadajir ah ayay Maanta soo saareen Guddiyada Hirgelinta Doorashada ee Heer Dowlad-Goboleed oo kala ah Puntland, Galmudug, Koofur-Galbeed iyo Jubbaland, kaasi oo uu ku saabsan yahay go’aanka GXKHD 14/12/2016-ka ee la doonayo in lagu hor-istaago kuraas loogu doortay deegaan doorashooyinka dalka si

Wafdi ka socday Q. M. qaabilsana Miinooyinka oo gaaray Cadaado

Wafdi ka socday Qaramada Middobay (UN)ka Gaar ahaan kuwa Qaabilsan Dhanka Miina Baarista iyo Qalabeenta Ciidanka Booliska ayaa Gaaray Maanta Magaalada Cadaado ee Gobolka Galguduud, kuwaasi oo kulan la qaatay Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamad Xaashi Cabdi iyo qaar ka mid ah Golaha Wasiirada

Kolonyo ka mid ah kuwa AMISOM oo Islaan da’ ah ku jiiray Wadada Air Por-ka.

Sida ay sheegayaan wararka gawaarida AMISOM oo marayay wadada ayaa si ula kac ah u jiiray haweeneydan oo da’deeda lagu qiyaasay 60-70 jir. Haweeneyda ayaa goobta nafta kaga baxday, waxaana wadada yaalay dhiig ka baxay, iyadoo taayarada baabuurta ay ka mareen qeybaha sare ee