Sawirro: Waxaa meel dhexe maraya balaarinta wadooyinka degmada Xuddur

Waxaa meel dhexe maraya balaarinta wadooyinka degmada Xuddur.
Maamulka degmada Xuddur ee xarunta gobolka Bakool asagoo kaashanaya laamaha amniga iyo ururada bulshada degmada wax uu mudaba ku howlanaa balaarinta ugu yaraan 5 wado oo muhiim u ah bilicda, amniga iyo kaabayaasha dhaqaalaha magaalada.
Maamulka ayaa burburin ku wada guryo soo galay wadooyinka halbowlaha u ah isku socodka dadka iyo gaadiidka ayada oo ilaa iyo hada tiro guryo iyo goobo ganacsi la burburiyay.
Wax dhibaato ah oo uu maamulku kala kulmay howsha uu wado majiraan maadaama ay ka qaybqaadanayaan qaybaha kala duwan ee bulshada magaalada Xuddur iyo weliba laamaha amaanka.
Baidoa Media Xuddur.

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh