Diyaarad ay leedahay shirkada Ethiopian Airlines oo bur burtay ayada oo kusii jeeda Nairobi

Diyaarad ay leedahay shirkada diyaaradaha dalka Ethiopia ee Ethiopian Airlines ayaa bur burtay subaxnimadii hore ee maanta ayada oo kusii jeeda magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Diyaarada oo ahayd Boeing 737 ayaa waxaa saarnaa 157 rakaab ah oo ay ku jiraan shaqaalihii diyaarada ayada oo aan ilaa iyo had la ogeyn sababta shilka diyaaradeed,

” Waxaynu cadeynaynaa in duulimaadkeenii Addis ababa-Nairobi ee uu lambarkiisu ahaa ET 302 uu shil galay” sidaas waxaa war qoraal ah ku sheegtay shirkada Ethiopian Airlines.

Rakaabka diyaarada saarnaa ayaa kala aha 149 rakaab caadi ah iyo 8 shaqaalaha diyaarada ahaa ayada oo diyaarada oo kasoo kacday Bole international airport ee magaalada Addis ababa 8:38 subaxnimo la waayay xiriirkeeda 6 daqiiqo kadib waxaana lagusoo waramayaa inay ku bur burtay magaalada Debre Zeit ama Bishoftu oo ku taala ismaamulka Oromia una jirto magaalada Addis ababa 62 klm.

 

La soco wixii warar dheeraad ah ee kusoo kordha shilka diyaaradeed haduu Eebe idmo.

 

Baidoa Media Centre

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh