Siyaasigii dib u bur buriyay ceelal biyood uu horay u dhisay

Africa meel siyaasigeedu jecelyahay inuusan xilka ka degin ilaa uu ka geeriyoodo!
 
Patrick Okumu-Ringa waa siyaasi reer Uganda ah, waxa uu mar soo noqday wasiirudowlaha adeega bulshada ee dalka Uganda isaga oo sidoo kalena mudo soo ahaa xildhibaan lagasoo doorto magaalad dhanka waqooyi ku taala ee Nebbi.
 
Mr Ringa ayaa dhowaan ku guuldareystay doorasho ka dhacday deegaan doorashadiisa isaga oo aad uga carooday arinkaas.
 
Muxuu ku kacay hadaba?
 
Patrick Okumu-Ringa ayaa waxa uu yiri, ” Imisa carruur ah ayaan wax baray, keliya waxa aan ka doonayay dadkeyga codad taas bedelkeedna waxa ay igu dhaheen waxba ma aadan qaban, hadaba biyo ha u doonteen meel kale” Waxa uu siyaasigaasi dib u fur furay 10 ceel biyoodka gacanta ah o uu sanado badan ka hor u qoday dadka deegaanka ayada oo ay dad badani biyo ka heli jireen ceelashaasi.
 
Hadaba taasi waxa ay ina tusaysaa sida ay siyaasiyiinta Afrikaanka u sameyn karaan wax kasta oo maskaxda Aadanaha ka weyn si ay xilka usii hayaan ama u helaan.

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh