NISA oo sheegtay inay gacanta kusoo dhigtay hogaamiyihii qaraxyadii maanta ka dhacay Muqdisho

Ciidanka amniga Qaranka oo kaashanaya Shacabka ayaa Gacanta kusoo dhigay hoggaamiyihii howlgalka qaraxyadii Al-shabab ee Maanta lagu gumaaday Ummadda Soomaaliyeed iyo wadahii Gaarigii danbe ee ku qarxay Taallada Daljirka dahsoon, kaas oo qarxay xilli ay Ciidanka amniga Gacanta ku hayeen , kadib markii shacabka laga fogeeyay.

War qoraal ah oo lasoo dhigay barta Twitter-ka ee hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in weerradan qorshahoodu uu ahaa in lagu  beegsado xarunta Murtida iyo madadaalada ee Tiyaaterka Qaranka,halkaas oo Maalmahan ay Shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladdooda oo iskaashanaya ay dayactir ka wadeen.

Qoraalkan ayaa gebagabadii lagu yiri ,” ficilladooda arxandarrada ah nama wiiqo doono, dibna nooma celin doono inta Ciidanka iyo Shacabka iskaashanayaan”

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh