Akhriso gudoomiyaha BFS oo sheegay in laga tanaasulay mooshinkii madaxweynaha laga keenay

War qoraal ah oo goor dhowayd kasoo baxay xafiiska gudoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa lagu sheegay in laga tanaasulay mooshinkii horay looga keenay madaxweynaha DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kaasoo ay horay gudoomiyaha ugusoo gudbiyeen xildhibaano ilaa 92 ah.

Gudoomiye Mursal ayaa sheegay in 14 xildhibaan oo ka mid ahaa kuwa magacyadooda uu ka muuqday mooshinka ay kagasoo dacwoodeen sheegeena inaysan saxiixin isaga oo sidoo kalena sheegay in dalka uusan lahayn maxkamada dastuuriga sidaas darteedna uu mooshinkii buray.

Gudoomiyaha ayaa dhanka kale uga mahadceliyay xildhibaanadii usoo gudbiyay mooshinka kana tanaasulay markii dambe.

Dhowaanahaanba waxaa wadahadalo hoose u socday gudoomiye Mursal iyo labadiisa kuxigeen iyo weliba sidoo kale gudi xildhibaano ah ayada oo aan la ogeyn waxa lagu heshiiyay.

Arintaan ayaa meesha ka saarayso qilaafkii siyaasadeed ee dalka uu lugaha lasii galayay.

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh