Wararkii ugu dambeeyay ee magaalada Baydhaba iyo qaban qaabo xoogan oo loogu jiro doorashada

Maalinta beri ah oo ay taariikhdu ku beegantahay 19/12/2018 waxaa ka dhacayso magaalada Baydhaba doorashada madaxweynah Koonfur galbeed oo ay ku tartamayaan ilaa 5 musharax kuwaasoo kala ah Aadan Maxamed Nuur (Saransoor) Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) Ibraahim Macallin Nuurow, Xuseen Cismaan Xuseen iyo Sayid Axmed.
 
Amaanka guud ee magaalada Baydhaba ayaa si weyn loo adkeeyay ayada oo ay ciidamada booliska iyo kuwa nabadsugida ku suganyihiin dhamaan wadooyinka soo gala magaalada.
 
Doorashada oo dhowr jeer dib loo dhigay ayaa lagu wadaa inay beri oo Arbaco ah dhacdo.
 
Musharaxa ugu cad cad ayaa ah Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) kaasoo taageero badan ka haysto xildhibaanada baarlamaanka Koonfur galbeed.
Guddiga doorashada Koonfur galbeed ayaa qaban qaabo xoogan ugu jiro doorashada beri ka dhacayso magaalada Baydhaba ayada oo lasoo dhameystiray dhamaan agabkii loo baahnaa si ay doorashada u qabsoonto.
 
Baidoa Media Centre

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh