Nuxurka khudbadii musharax madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen)

Marka lagasoo tago ka hadalka taariikh nololeedkiisa, waxa uu sameeyay balanqaadyo muhiim ah musharaxa madaxweyne ee dowlad goboleedka Koonfur galbeed mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen)

Hadaba waxa aynu halkaan kusoo koobeynaa nuxurka khudbadii musharax madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen haddii loo doorto xilka madaxweyne ee Koonfur galbeed.

  1. Inuu isku furayo degmooyinka iyo deegaanada dowlad goboleedka Koonfur galbeed.
  2. Inuu ka xoreynayo Alshabaab labo degmo oo gobolka Bakool ah iyo saddex kale oo ku yaalo gobolka Shabeelada Hoose.
  3. Inuu dhisayo ciidamo tayeysan oo leh agabkii loo baahnaa si amniga loo adkeeyo.
  4. Inuu noqonayo siyaasigii ugu horeeyay ee qora dhaqangeliyana Afka Maayga.
  5. Inuu shaqo abuur u sameynayo dhalinyarada deegaanada Koonfur galbeed xoogana saarayo wax u qabashada haweenka.
  6. Inuu kordhinayo mushaharka xildhibaanada islamarkaasna uu xildhibaan kasta yeelanayo labo ilaalo ah oo suga amaankiisa islamarkaasna uu maamulkiisa bixin doono mushaharka ilaaladaas.
  7. Inuu kusoo dhaweynayo qurbajoogta Koonfur galbeed deegaanada Koonfur galbeed si ay u maalgashtaan deegaanadooda.
  8. Inuu la dagaalamayo musuqmaasuqa.
  9. Inuu adkeyn doono xiriirka maamulkiisa iyo dawlada federaalka Soomaaliya iyo dawlad goboleedyada dalka ka jiro.

Si kastaba ha ahaataa khudbadii musharax madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa si weyn usoo jiidatay xildhibaanada baarlamaanka Koonfur galbeed ayada oo uu mudane Laftagareen ka midyahay musharixiinta ugu cad cad ee doorashada madaxweyne ee Koonfur galbeed.

Baidoa Media Centre

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh