Sawirro: Musharax Cabdicasiis Laftagareen oo qaatay shahaadada musharaxnimo

Musharaxa saameynta xoogan ku leh doorashada madaxtinimo ee la filayo inay dhowaan ka dhacdo Koonfur galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa waxa uu maanta qaatay shahaadadiisa musharaxnimo.

Musharax Laftagareen oo xilkiisii wasiirnimo ee dowlada federaalka iskagasoo casilay sidii uu wax uga bedeli lahaa xaaladaha murugsan ee ka taagan deegaanada Koonfur galbeed ayaa waxa uu taageero ka haystaa xildhibaanada iyo waxgaradka deegaanada Koonfur galbeed isaga oo dhowaanahaanba kulano kala duwan la qaadanayay xildhibaanada iyo odayaasha dhaqanka Koonfur galbeed.

Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa horay xilal kala duwan ugasoo qabtay dowladihii dalka soo maray waxa ayna ku tilmaamaan dadkii ay soo wada shaqeeyeen inuu yahay shaqsi leh sifooyin dhegaysiga dadka ay talada kala dhexayso, nabadoonimo iyo weliba amaanada hantida guud.

Dad badani waxa ay odorasayaan inuu haysto fursad uu ku hogaamiyo Koonfur galbeed 4ta sano ee soo socota.

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh