Sawirro: Musharax Aadan Saransoor oo qaatay shahaadada musharaxnimo

Musharaxa Aadan Maxamed Nuur Saransoor ayaa waxa uu maanta qaatay shahaadada musharaxnimo ee doorashada madaxweynanimo ee maamulka Koonfur galbeed.

Aadan Saransoor ayaa buuxiyay dhamaan sharuudihii looga baahnaa sida uu sheegay gudiga doorashada maamulka Koonfur galbeed.

Aadan Saransoor oo xilal kala duwan kasoo qabtay dowladihii dalka soo maray ayaa waxa uu ka mid yahay musharixiinta u taagan xilka madaxweynanimada Koonfur galbeed.

Mar uu ka hadlayay qaadashada shahaadada ayaa uu sheegay Saransoor inuu si weyn ugu faraxsanyahay inuu buuxiyay dhamaan sharuudihii looga baahnaa.

 

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh