Deg Deg: Musharax Xuseen Cismaan Xuseen oo ay u badantahay inuu ka haro doorashada Koonfur galbeed

Ilo weereedyo lagu kalsoonyahay ayaa xaqiijinaya in musharax Xuseen Cismaan Xuseen  oo horey usoo noqday Taliyihii Hay’adda NISA ay u badan tahay in uu ka haro tartanka doorashada KG maalmaha soo socda.

Xogtu waxay intaaa ku daraysaa in Musharaxu xalay uu kala diray Kooxdii ka shaqaynaysay ololihiisa ee Baydhabo ku sugnayd, tillaabadaas ayaana muujinaysa tanaasulka musharaxu damacsanyahay.

Tanaasulka Musharax Xuseen ayaa kusoo aadayso xili uu ol’olaha musharixiinta kale meel sare marayo ayada oo uu musharaxa ugu miisaanka culus Cabdicasiis Laftagareen uu dhowaanahaanba waday kulano uu la qaadanayo xildhibaanada, beelaha, ururada bulshada rayidka iyo waxgaradka deegaanada Koonfur galbeed.

 

Baidoa Media Centre

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh