Deg Deg: Alshabaab oo weerar dhabagal ah ku qaadya ciidamo militari ah

Wararka ka imaanaya deegaanka Gololey oo u dhexeeyay degmada Balcad iyo deegaanka Qalimow ee gobolka Shabeelada Dhexe ayaa sheegaya in halkaas ay dagaalyahanada Alshabaab weerar jid gal ah ku qaadeen ciidamo militariga dowlada federaalka Soomaaliya ka tirsan kuwaasoo ku safrayay laba gaari.

Weerarka ayaa sababay in la gubo mid ka mid ah gaadiidkii ay wateen ciidamada dowlada ayada oo ay sidoo kalena qasaare kasoo gaartay ciidamadaas.

Dhanka kale gaari nooca raaxada ah ayaa ay miino kula kacday isla wadda uu dagaalka ka dhacay balse qasaaraha ka dhashay ayaan weli la ogayn.

Baidoa Media Centre

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh