Sawirro: Musharax Cabdicasiis Laftagareen iyo xildhibaanad iyo waxgaradka beel weynta Luwaay oo kulan ku yeeshay Baydhaba.

Musharaxa madaxweynanimo ee maamulka Koonfur galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagaren) ayaa maanta kulan muhiim ah kula yeeshay magaalada Baydhaba xildhibaanad, aqoonyahanada, odayaasha iyo waxgaradka beesha Luwaay oo ka mid ah beelaha saameynta ku leh deegaanad Koonfur galbeed.

Kulanka oo qayb ka ahaa dardargelinta ol’olihiisa musharaxnimo ayuu mudane Laftagareen kala hadlay beesha Luwaay sidii ay ugu taageeri lahaayeen inuu kusoo baxo doorashada la filayo inay dhacdo 5/12/2018 ayada oo uu kulankaasina kusoo idlaaday is’afgarad iyo guul.

Cabdicasiis Laftagareen oo ah musharax saameyn ballaaran ku leh deegaanada Koonfur galbeed ayaa mudooyinkaanba wady kulano uu la qaadanayay xildhibaanad iyo beelaha Koonfur galbeed si uu ula wadaago barnaamishkiisa mudada 4 sano ah ee soo socota haduu ku guuleysto doorashada la filayo inay dhowaan ka dhacdo magaalada Baydhaba.

Baidoa Media Centre

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh