Meydka haweenay xalay lasoo dhigay deegaanka Kurta ayaa la aqoonsaday

War hadda naga soo gaaray Degmada Waajid ee Gobolka Bakool ayaa sheegaya in deegaanka Kurta ee duleedka Waajid laga helay meydka haweenay xalay halkaasi la soo dhigay.

Haweenaydan oo magaceeda lagu sheegay Faadumo Bashiir Ibraahim ayaa dabayaaqadii sanadkii hore laga afduubtay iyada iyo laba Caruur oo ay dhashay deegaankaasi, waxaana afduubtay sida aan warka ku helnay kooxda  Al Shabaab.

“Dadka Reer Kurta ayaa saaka ku waabariistay meydka Gabadh sanad ka hor iyada iyo caruurteeda ay gurigooda ka kaxeeysteen Al Shabaab” Waxaa sidaa yiri mid ka mid ah dadka deegaanka. Ilaa iyo haatan lama oga sababta ay Kooxda Shabaab u qafaasheen haweeneydaa iyo caruurteeda.

 

Baidoa Media Centre

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh