Sawirro: Musharax Cabdicasiis Laftagareen oo deeq raashiin ah gaarsiiyay barakacayaal ku sugan Baydhaba

Musharaxa madaxweyne ee Koonfur galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa waxa uu maanta deeq cunto ah gaarsiiyay barakacayaal ku kala sugan saddex xero.

Tirada barakacayaasha ka faa’idaystay deeqda raashiinka ah ayaa waxa ay dhantahay 700 qoys ayada oo uu musharax Cabdicasiis Laftagareen u wakiishay qaybinta deeqdaas xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Barakacayaasha ayaa loo qaybiyay raashiin ka koobnayd qoyskiiba 25 kg bariis ah, 25 sonkor ah, 3kg saliid ah, hal burjiko iyo bacda roobka laga hoos galo ee cooshadaha la saarto.

Barakacayaasha ayaa ku kala sugan xeryaha kala ah, Lowiiley, Eelbay 2 iyo Haluul iyo Harqaan ayada oo ay si weyn ugu farxeen dadkii loo qaybiyay raashiinka deeqda ahaa ee lasoo gaarsiiyay maanta una rajeeyay musharaxa guul.

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh