Sawirro: Xaflad ay dhalinyarada Baydhaba ku taageerayeen musharax Cabdicasiis Laftagareen oo halkaas ka dhacday

Xaflad ay soo abaabuleen dhalinyarada magaalada Baydhaba ayaa waxa ay taageero ugu muujiyeen musharaxa madaxweyne Cabdicasiis Maxamed Xasan (Laftagareen)

Xafladda oo ka dhacday hotelka Horyaal ayaa ay dhalinyarada aqoonyahanada magaalada Baydhaba waxa ay sheegeen inay taageersanyihiin musharax Laftagareen ayaga oo ka dalbaday xildhibaanada baarlamaanka Koonfur galbeed inay codkooda siiyaan musharaxa oo ah qof wax weyn kasoo qabtay deegaanada Koonfur galbeed.

Intii ay socotay xafladda ayaa waxaa halkaas lagasoo jeediyay gabayo iyo qudbado si weyn loogu taageerayay musharaxa madaxweyne ee maamulka Koonfur galbeed Cabdicasiis Laftagareen.

Doorashada madaxtinimada Koonfur galbeed ayaa waxaa lagu wadaa inay dhacdo 17 bishaan aynu ku jirno ee November ayada oo ay ku tartami doonaan musharixiin ka badan toban oo uu ka mid yahay madaxweynaha uu xilkiisu dhamaadka yahay.

Doorashadaan ayaa loo arkaa inay tahay mid si weyn loogu tartami doono. Musharixiinta tartameysa ayaa waxaa ka mid ah Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo horay u ahaa kuxigeenkii Xarakada Alshabaab balse mudo sanado ahba ahaa banaan joog kasoo horjeeda Alshabaab dagaalana ay ku dhex mareen deegaano ka tirsan gobolka Bakool.

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh