Sawirro: Wafdigii QM iyo AUda oo soo gaaray Baydhaba kulana la qaatay madaxweyne Shariif Xasan

Wafdi ka koobnaa ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nickolas Haysom iyo wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Madeira ayaa soo gaaray magaalada Baydhaba kuwaasoo horay magaalada Kismaayo kulasoo kulmay hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaan.

Wafdiga ayaa waxaa magaalada kusoo dhoweeyay madax ka socotay maamulka Koonfur galbeed oo uu u horeeyay madaxweynaha xiligiisu dhamaadka yahay ee Koonfur galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Wafdiga ayaa markii ay soo gaareen xarunta madaxtooyada Koonfur galbeed waxa ay wadahadal yeesheen madaxweyne Shariif Xasan iyo gudoomiyihiisa baarlamaanka ayaga oo arinta ugu weyn ee ay ka wada hadleena ay ahayd dhex dhexaadinta dowlada federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada.

Waxyaabaha kale ee layskusoo hadal qaaday waxaa ka mid ahaa doorashooyinka ka dhacaya Koonfur galbeed 17 November 2018.

Dhanka kale wafdiga ayaa waxa ay hada kulan la leeyihiin musharixiinta u taagan xilka madaxtinimada Koonnfur galbeed ayada oo uu kulankaasina ka dhacayo xarunta QM ee magaalada Baydhaba.

 

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh