War-murtiyeed kasoo baxay qaar ka mid ah musharixiinta madaxtinimada Koonfur galbeed

Ku: Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Madaxweynaha KG = Baydhabo=
Og: Guddoonka Baarlamaanka KGS =Baydhabo=
Og: Guddoonka Golaha Shacabka DF = Muqdisho=
Og: Guddoonka Aqalka Sare = Muqdisho=
Og: Guddigga Madaxbanaan ee Doorashooyinka =Muqdisho=
Og: Wasaaradda Arrimaha Gudaha DFS =Muqdisho=
Og: Taliska Ciidanka Booliska DFS =Muqdisho=
Og: AMISOM =Muqdisho=
Og: UNSOM =Muqdisho=
Og: IGAD =Muqdisho=
Og: Beesha Caalamka =Muqdisho=
Og: Odayaasha Dhaqanka KGS =Baydhabo=

Mudane Goddoomiye:
Ujeeddo: Hannaanka Maamulka iyo Maareynta Doorashada Madaxweynaha KGS.

Annagoo ah Musharixiinta Isbeddel Doonka KGS oo ay weheliyaan siyaasiyiin, waxgarad,
odayaasha dhaqanka, indheer-garadka, bulshada rayidka, culumaa’udiinka, haweenka,
ganacsatada, dhalinyarada iyo jaaliyadaha dibadda ee ka soo jeeda deegaanada Koonfur
Galbeed waxaan halkan hoose ku soo gudbinaynaa muhiimadda ay leedahay in lagu dhaqmo shuruucda noo qoran lana abuuro jawi suura geliya in ay dhacdo doorasho xalaal ah.

Sidaa darteed sida uu qabo dastuurka KGS waa in;
1. Sida ugu dhaqsaha badan loo dhiso guddi madaxbanaan ka hor taga musuqmaasuqa
doorashada.
2. Si loo sugo amaanka musharrixiinta iyo golaha wakiillada, loogana hortago masuqmaasuqa, la helaa xarun doorasho iyo ciidamo amni oo ka madax bannaan taageerayaasha sii hayaha xilka madaxweynaha KGS.
3. In doorashada ay dhacdo waqtigii loogu talo galay oo ah 17ka November 2018.
4. In shuruudaha iyo habraaca doorashada ay noqdaan kuwa waafaqsan kuwa looga dhaqmo heer federal iyo maamulada kale oo ay ka mid yihiin:

a. Doorashada Madaxweynaha KG lagu dooranaayo ay ahaato codeyn qarsoodi ah;
b. In wareega koowaad mushraxa guulaysanaya uu helaa seddex meelood labo meel dhamaan codadka;
c. In doorashada ay yeelato 3 wareeg haddii aysan musharaxiinta isu tanaasulin wareega labaad;
d. In curaarta la bixinayo aysan ka badnaanin 5,000 doolar.
5. Wasaaradda Arrimaha Gudaha DFS, Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaran, Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka ay la yimaadaan hab lagu xaqiijanayo inay doorasho xor ah, xalaal ah oo dimuqraadi ah ay ka dhacdo KGS.
6. Beesha caalamka (Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, IGAD) ay qeyb ka noqdaan kormeerka u hoggaansanaanta ku dhaqanka dastuurka iyo sharciyada ku saabsan doorashada Kursiga Madaxweynaha KGS.
7. Ugu dambeyntii, in hanaanka doorashada laga ilaaliyo ku takrifal awoodeed iyo cadaalad daro. lana ilaaliyo madax bannaanida guddiga, xadgudubna aan lagu sameyn xeerarka nidaamka iyo diiwaan gelinta.
Wa Bilaahi Towfiiq.
Xubnaha Golaha Isbedeldoonka KGS
1. Xuseen Xasan Cabdi
2. Yusuf Moalin Amiin
3. Xasan Xaaji Ibrahim
4. Mohamud Maxamed Bono
5. Sheekh Mukhtar Roobow
6. Salah Sheekh Osman
7. Amb Sayed Ahmed Daahir
8. Maxamed Aden Ibrahim

Warr-murtiyeedkaan ayaa waxaan ka mid ah musharixiinta soo saartay labada musharax ee kala ah mudane Cabdicasiis Maxamed Xasan (Laftagareen) iyo mudane Dr Ibrahim Moalim Nur.

 

Baidoa Media Centre

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh