Xog hoose: Shariif Xasan iyo Mukhtaar Roobow oo wadahadal hoose uu u furmay

Ayada oo la filayo in 17ka November ay dhacdo doorashada madaxweynanimada maamulka Koonfur galbeed ayna u taaganyihiin in ka badan 10 musharax oo uu ku midyahay madaxweynaha xiligiisa dhamaaday Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxaa soo baxayo culeys kasoo wajahayo dhanka musharax Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) kaasoo ay musharaxnimadiisa taageereen xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan maamulka Koonfur galbeed iyo kuwa ka tirsan dowlada dhexe balse lagasoo doorto deegaanada Koonfur galbeed.

Hadaba wadaadka Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo horay usoo noqday kuxigeenka Xarakada Alshabaab balse markii dambe iskaga baxay hadana ka mid ah musharixiinta u taagan xilka sare ee Koonfuru galbeed, ayaa waxaa lagusoo waramayaa inuu wadahadal hoose u furmay isaga iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Wadahadalada hoose ee u bilowday Mukhtaar Roobow iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ku aadan sidii ay isku taageeri lahaayeen qofkii cod batana uu midka kale codadkiisa u siin lahaa, waxyaabaha kale ee ilaa iyo hada la iskusoo hadal qaaday ayaa ah in haddii uu Shariif Xasan Sheekh Aadan mar kale soo laabto uu Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ugu magacaabi lahaa wasiirka amniga maamulkaas.

Sida ay ilo lagu kalsoonyahay u xaqiijiyeen Baidoa Media Centre, wadahadalada iyo xiriirka hoose ayaa waxaa ka dhex wado labada masuul Ibraahim Roobow Cali oo ay walaalo yihiin Mukhtaar Roobow islamarkaasna ah abaanduulaha ciidamada nabadsugida maamulka Koonfur galbeed.

Xiriirkaan hoose ayaa kusoo aadayo xili uu magaalada Baydhaba kaga dhawaaqay musharaxnimadiisa wasiirka tamarta dowlada federaalka ahna xildhibaan ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

La soco wixii kusoo kordha wadahadalada bilowga ah ee ka dhexeeya Mukhtaar Roobow Cali iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan oo hada u muuqda kuwa iska kaashanaya dhinaca doorashada

 

Baidoa Media Centre 

One Response

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh