Sawirro: Dood ku saabsanayd doorashooyinka dalka Sweden oo ka dhacday dalkaas

Dood ay kasoo qaybgaleen qaar ka mid ah musharixiinta Soomaalida ee xisbiyada kala duwan ee dalka Sweden kuna saabsanayd doorashooyinka baarlamaanka, gobolka iyo kuwa degmooyinka ee dalka Sweden ayaa waxa ay ka dhacday magaalada Västerås ee dalka Sweden.

Dooda ayaa dhexmareysay musharax Issa Blom oo u sharaxan baarlamaanka Sweden kana tirsan xisbiga mucaaradka ee Nya Moderaterna,  Xamse Xoorxoor oo ka tirsan xisbiga Center-ka, Huda Abdullahi Hassan oo ka tirsan xisbiga talada haya ee Social demokraterna (S) Cabdisalaan Axmed Jimcaale oo ka tirsan xisbiga  Vänster-ka (V) iyo Mohamed Abdukani oo ka tirsan xisbiga muxaafidka Miljö partiet (MP) waxaa ka maqnaa xisbiga cunsuriga ee Sverige Demokraterna (SD) iyo xisbiyo kale oo yar yar.

Qaar ka mid ah waxgaradka iyo dhalinyarada magaalada Västerås oo kasoo qaybgalay dood wadaaga ayaa su’aalo weydiiyay musharixiintii iyo xubnihii ka socday xisbiyada siyaasadeed ee dalka Sweden kuwooda ugu saameynta badan marka laga reebo xisbiga cunsuriga oo ah xisbi

Dood wadaaga ayaa waxaa soo qaban qaabisay jaaliyadda Soomaaliyeed ee SOMVE ee magaalada Västerås ayada oo uu qudbad qiimo badan halkaas kasoo jeediyay Ali Ismail oo ka socday Kasmo Kunskapscenter KKC isaga oo faah faahiyay nidaamka doorashada iyo weliba in Soomaalida ku dhaqan Sweden ee sharciyada ku leh ama qaatay dhalashada ay codeeyaaan hadii kalena codadkooda ay kala qaybsanayaan xisbiyada dalka taasoo sare u qaadi karto hamiga xisbiga cunsuriyiinta ee SD uu ku doonayo inuu ugu yaraan xisbiga labaad ee ugu xildhibaanada badan baarlamaanka Sweden noqdo amaba uuba hantiyo talada dalka maadaama hada ay kaalinta sadexaad ku jiraan.

Hadaba sidee loo codeyn karaa?

Qofkasta oo ay da’diisu tahay 18 sano iyo ka weyn sharcina ku leh dalka Sweden ama haysta dhalashada waxa uu xaq u leeyahay inuu u codeeyo xisbigii iyo shaqsigii uu doono.

Yaa codeyn kara muxuuse u codeyn karaa?

  1. Qofka haysta sharciga permanent uppehållstillstånd ama deggenaanshaha rasmiga ah waxa uu u codeyn karaa maamulka gobolka ee arimaha bulshada Landstinget iyo weliba gollaha degmada/magaalada Kommunfullmäktige.
  2. Qofka haysta dhalashada dalka Medborgarskap waxa uu u codeyn karaa maamulka gobolka ee arimaha bulshada, Landstinget, gollaha degmada/magaalada Kommunfullmäktige iyo weliba baarlamaanka Riksdagen.

Hadaba muwaadin waxaad ogaataa codkaagu waa muhiim, dadkeena Soomaalida waxaa lagu tiriyaa daka inta badan codadkooda la kala qaybsado waayo badankeen ma codeyno, fadlan codey si codkaagu uu saameyn u yeesho.

Waxaa sidoo kale codeyn kara qofka da’da ah ee xanuunsanaya ama qofka dhalinyarada ah ee xanuunsanayo waxaana u codeynaya qof qoyskiisa ka mid ah oo qaangaar ah.

W/D

Cabdicasiis M. Axmed

F.G: waxaan idiin soo gudbin doonaa muuqaaladii dood wadaaga iyo qudbadihii laga jeediyay goobta haddii uu Eebe idmo.

 

 

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh