Maamulka Jubbaland oo mar kale is hortaagay xabsina dhigay masuuliyiin dowlada Soomaaliya ay soo magacawday

Ciidamada maamulka Jubbaland ayaa is hortaagay taliyaha nabadsugida iyo kuxigeenkiisa oo maanta gaaray magaalada Kismaayo islamarkaasna xabsiga u taxaabay.

Cali Mire Ducaale iyo ku xigeenkiisa  Maxamed Ibraahim oo soo gaaray magaalada Kismaayo ayaa waxaa lagu xiray xabsi ku yaalo magaalada Kismaayo ayada oo ay ciidamada maamulka Jubbaland sheegeen inay magaalada Muqdisho dib ugusoo celin doonaan.

Dhowaan ayay ahayd markii uu maamulka Jubbaland garoonka diyaaradaha ka celiyay taliyaha ciidamada xooga dalka qaybta Jubbooyinka ayada oo uu markii dambena ka degmada magaalada Garbahaarey.

Maamulka Jubbaland ayaa si weyn ugasoo horjeedo dowlada Soomaaliya ayada oo ay arintaasina ka socoto madaxweynaha maamulkaas Axmed Madoobe.

 

Baidoa Media Centre

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh