Diyaarado dagaal iyo ciidamo huwan ah oo howlgal ka wada inta ka dhexaysa Afgooye iyo Balcad

Howlgal ay iska kaashanayaan ciidamada dowlada Soomaaliya, kuwa AMISOM iyo diyaarado dagaal oo ay leedahay dowlada Mareykanka ayaa ka socda inta u dhexaysa gobolada Shabeelada hoose iyo Shabeelada Dhexe.

Howlgalka ayaa waxa uu ka socdaa deegaanka Basra iyo deegaano u dhow kuwaasoo u dhexeeya degmooyinka Afgooye iyo Balcad halkaasoo ay xarakada Alshabaab ku leedahay saldhigyo ciidan.

Duullaanka ay sida wadajirka ahi u qaadeen ciidamadaan huwanta ah ayaa waxa uu kusoo aadayaa xili ay Alshabaab dhowaanahaanba ka waday weeraro inta u dhexaysa degmada Balcad iyo magaalada Muqdisho.

Ciidamada ayaa kasoo kala dhaqaaqay duleenka Muqdisho iyo degmada Balcad ayada oo la maqlayo rasaasta culus iyo madaafiicda ay ridayaan diyaaradaha dagaalka Mareykanka.

Wixii kusoo kordha howlgalka socda dib ayaan idinkalasoo socodsiin doonaa haddii uu Eebe idmo.

 

Baidoa Media Centre

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh