Sawirro: Wafdi sare oo ka socda dalka Ereteriya oo soo gaaray magaalada Muqdisho

Wasiirka Arrimaha Dibedda Ereteriya mudane Osman Saleh iyo Lataliyaha Madaxweynaha Ereteriya mudane Yemane Gebreab ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho si ay wadahadallo sare ula yeeshaan dawladda Soomaaliya.

Safarkaan wafdiga ayaa ku soo beegmaya ka dib booqashadii uu Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ku tegey waddanka Ereteriya.

Wadahadalladan ayaa looga gol leeyahay sidii iskaashi buuxa uu uga dhici lahaa gobolka, kaas oo muhiim u ah horumarka dhaqaale iyo xasiloonida siyaasadeed ee dalalka Geeska Afrika.

Wafdigan ayaa waxaa garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Raysalwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliye mudane Xasan Cali Khayre iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya mudane Axmed Ciise Cawad.

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh