Imaaraatka Carabta oo dhuun shidaal ka dhisayo Itoobiya iyo Eriteria

Sida ayfaafisay wakaalada wararka dalka Itoobiya ee Fana, dowlada Imaaraatka Carabta ayaa maalgelinayso dhuun shidaal oo la damacsanyahay in laga dhiso inta u dhexayso magaalooyinka Addis ababa iyo Casab oo ay magaalo dekedeed ku taalo Eriteria.

Dhuunta shidaal ayaa lagu wadaa in la marsiiyo shidaalka laga helay gobolka Soomaalida ay Itoobiya maamusho kaasoo dhowaan lagu guuleystay in lagasoo saaro shidaal mudo la naawilayay.

Wakaalada wararka Fana waxa ay sheegtay in arintani lagu ogaaday shir dhowaan ku dhex maray magaalada Addis ababa raisalwasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed iyo wasiiru dowlaha iskaashiga caalamiga ee Imaaraatka Carabta, haweenayda lagu magacaabo Reem Al-Hashmy.

Dowlada Imaaraatka Carabta ayaa qayb weyn ka qaadatay heshiiskii dhex maray dowladaha Eriteriya iyo Itoobiya ayada oo dhaqaale badana siisay dowlada Itoobiya.

Dhanka kale Imaaraatka ayaa xagal daacin ku haya dowladaha Soomaaliya iyo Jibuuti maadaama ay u dhego nuglaan waayeen rabitaanka Imaaraatka.

 

Baidoa Media Centre

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh