Madaxweynihii Kilinka Shanaad ee Soomaalida Itoobiya oo is casilay iyo madaxweyne cusub oo la doortay

Madaxweynihii dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa maanta is casilay kadib cadaadis uga yimid dowlada federaalka Itoobiya gaar ahaan dhanka xafiiska raisalwasaaraha cusub Abiy Ahmed.

Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar oo sanado badan kasoo ariminayay dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya DDSI ayaa waxa uu xiriir dhow la lahaa xisbiga TPLF oo awooda dalka Itoobiya gacanta ku hayay tan iyo markii xukunka laga tuuriyay keligii taliyihii Mingiste Hailemariem.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa horay usoo noqday hoggaankii nabadgelyada Kilinka shanaad isaga oo dhisay ciidamada booliska sida militariga u tababaran ee Liyuu police kuwaasoo dagaalo la galay jabhada xoreynta Ogaadeeniya ee ONLF.

Xisbiga ka arimiya Kilinka shanaad ayaa u doortay Axmed Cabdi Maxamed oo ahaa wasiirkii maaliyada iyo dhaqaalaha ee DDSI inuu noqdo madaxweynaha cusub ee Kilinka shanaad.

Is casilaada madaxweynihii hore ayaa kusoo aaday xili uu dagaal ba’ani ka dhex jiro qowmiyadaha Oromada iyo Soomaalida.

Maalin ka hor ayaa ay rabshado xoogani ka dhaceen magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayada oo ay ku dhinteen tiro dad ah halka hanti badana lagu dhacay dabna la qabadsiiyay kaniisad weyn oo ku taalay magaalada.

 

 

Baidoa Media Centre

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh