Faah faahin ku saabsan qarax xoogan oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Waxaa soo baxaya faah faahin dheeraad ah oo ku aadan qarax xoogan oo maqribnimadii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan wadada halbawlaha ah ee Maka Al-Mukarama.

Qaraxa oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa lagasoo buuxshay ayaa waxa uu ka dhacay Baar Soomaali oo ah maqaayad dhowaan la furay kuna taalo isgoyska Dabka agagaarka Shineemo Soomaali.

Inta la xaqiijiyay ilaa iyo hada waxaa ku dhimatay afar ruux halka tiro kalena ay ku dhaawacantay waxaana maqaayada soo gaaray bur bur xoogan.

Qaraxa kadib ayaa waxaa la maqlayay rasaas xoogan oo ka dhacaysay goobta uu ka dhacay qaraxa ayada oo ay ciidamada dowlada xireen wadada Maka Al-Mukarama.

Taliyaha booliska Soomaaliyeed jeneraal Bashiir Cabdi Maxamed ayaa soo gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay. Dowlada Soomaaliya ayaa dhib badan ku qabto sugida amniga magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayada oo marba soo saarto amaro cusub hawlgelisana ciidamo kala duwan.

 

Baidoa Media Centre

 

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh