Ciidamada DFS oo toogasho ku dilay rag hubeysnaa oo watay gaari yar

Ciidamada dowlada federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay maanta toogasho ku dileen ragg hubeysnaa oo watay gaari yar oo nooca raaxada ah. Dableyda la dilay ayaa waxa ay marka hore rasaaseeyeen ciidamada dowlada oo watay gaari Toyota Landcruiser ah gaar ahaan nooca ay Soomaalidu u taqaano Cabdi bilaha.

Ciidamada dowlada ayaa rasaas badan huwiyay gaariga yar ayada oo ay halkaas ku dhinteen labo ka mid ahayd raggii saarnaa gaariga halka darawalka oo loo maleynayo inuu dhaawac yahayna uu baxsaday.

Gaariga la rasaaseeyay ayaa yaala agagaarka Seybiyaano ayada oo ay ciidamada dowlada baadi goob ugu jiraan darawalkii gaariga waday. Ragga maanta la dilay ayaa la rumeysanyahay inay ahaayeen dabley gaari wadatay oo maalmahaanba dilal ka geysanayay qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Ciidamada dowlada ee saarnaa gaariga Cabdi bilaha ayaa qaarkood la sheegayaa inay is-rasaaseynta ku dhaawacmeen.

 

Baidoa Media Centre

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh