Wasiirka arimaha dibada XFS oo sheegay in la xaliyay xiisadii ka dhalatay isku daygii lagusoo xiri rabay kuxigeenkiisa

Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in lasoo afjaray is-mari waagii ka dhashay ciidamo maanta gudaha u galay xarunta wasaarada arimaha dibada Soomaaliya kuwaasoo doonayay inay soo xiraan wasiir kuxigeenka arimaha dibada Soomaaliya Mukhtaar Mahad Daa’uud.

Wasiir Cawad ayaa sheegay in ciidamada booliska ay dib ugasoo baxeen xarunta wasaarada arintana uu soo farageliyay taliyaha booliska Soomaaliyeed.

“Arrintaas waa la xaliyay, Ra’iisul wasaaraha ayaa amar bixiyay, Jeneraalkii Booliska ayaa xarunta tagay, ciidankii booliska dib ayaa loo celiyay Wasiirkana shaqadiisa ayuu wataa, wixii sharci iyo Maxkamad waqtigeeda leedahay”

Wasiirka oo u waramay laanta Afka Soomaaliga ee BBCda isaga oo ku sugan magaalada Garoowe ee xarunta u ah dowlad goboleedka Puntland ayaa waxa uu sheegay inay soo idlaatay rabashadii ka dhalatay ciidamadii booliska ee subaxnimadii hore maanta gudaha u galay xarunta wasaarada arimaha dibada.

 

Baidoa Media Centre

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh