Rabshado ka taagan soo xirista wasiir ka tirsan DFS

Wararka kasoo baxaya xarunta wasaarada arimaha dibada Soomaaliya ee degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya inay saakay gudaha u galeen xarunta wasaarada tiro ciidamo boolis ah kuwaasoo la sheegay inay wateen warqad waaran ah oo ay kusoo xirayaan wasiir ku xigeenka arimaha dibada Soomaaliya Mukhtaar Mahad Daa’uud kaasoo ay ciidamadu kalasoo baxeen xafiiskiisa balse ay rabshado ka taaganyihiin sidii ay wasiirka ulasoo bixi lahaayeen.

Ilaalada wasaarada arimaha dibada oo iskugu jira Soomaali iyo ciidamada AMISOM ayaa is hortaagay inay ciidamada boolisku lasoo gudbaan wasiirka ayada oo uu halkaas ka dhashay is-maandhaaf waxaana markii dambe kusoo biiray shaqaalaha wasaarada oo diiday in wasiirka lala baxo.

Ciidamada booliska ee gudaha wasaarada ku haysta wasiirka ayaa la sheegayaa inay wataan warqad kasoo baxday maxkamad lamana oga sababta loosoo xirayo wasiir kuxigeenka arimaha dibada Soomaaliya Mukhtaar Mahad Daa’uud.

Xaalada taagan ayaa waxaa lagu wargeliyay taliyaha ciidamada booliska Soomaaliyeed oo laga sugayo inuu soo gaaro wasaarada arimaha dibada.

 

Wixii kusoo kordha kala soco baidoamedia.com

 

Baidoa Media Centre

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh