Sawirro: Xulka kubbada cagta Koonfur Galbeed oo 1-0 uga badiyay xulka kubbada cagta Hirshabeelle

Waxaa  maalintii labaad ka dhacay magaalada Muqdisho tartankii ciyaaraha Gobolada, iyadoo maanta ay isaga hor yimaadeen kooxaha ku badda cagta Koonfur Galbeed iyo Hirshabeele.

Waxaa goobjoog ka ahaa Daawashada ciyaartan Madaxweynaha  Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare iyo Madaxweynaha KoofurGalbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo weliba Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga dowladda Federalka Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye.

Ciyaarta oo ahayd mid aad u kululayd ayaa qeybtii hore ku soo dhamaatay goolal la’aan,hase yeeshee qeybtii dambe ee ciyaarta ayaa ciyaartoyda labada dhinac ay bilaabeen dardar cusub,muddo kadib ayaa waxaa ay la yimadeen Koonfur Galbeed gool taasi oo ka dhigtay  in ay ku soo dhamaato ciyaarta K/Galeed 1-0 Hirshabeele.

Madaxweyne Shariif Xasan iyo Maxamed Cabdi Waare oo hadalo kooban halkaasi ka jeediyay ayaa dhiiro geliyay habsami u socodka Ciyaaraha socda,waxaana ay ku tilmaameen in ay tahay arrin lagu farxo in horumaro ay sameynayaan bulshada,kubadda cagtuna ay qeyb ka tahay.

Tartanka ciyaaraha Dowlad goboleedyada oo shalay si rasmi ah uga furmay garoonka kubbada cagta ee Koonis Stadium ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku wada ciyaaray xulka Banaadir iyo Jubbaland,ciyaarta ayaa 2-1 waxaa ku badiyay xulka Banaadir.

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh