Akhriso Isku aadka kooxaha kubadda cagta ee Maamul goboleedyada Soomaaliya oo lagu dhawaaqay.

Wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha dowlada federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay kaga dhawaaqday magaalada Muqdisho Isku aadka kooxaha kubadda cagta maamul goboleedyada ka dhisan dalka marka laga reebo maamulka Somaliland oo isagu sheegta inuu ka madax banaanyahay Soomaaliya inteeda kale.

Xulalka kubadda cagta  maamulada ayaa sida hoose ugu kala jira groupyada A iyo B.

Group A, Banaadir, Galmudug, Jubbaland

Group B, Puntland, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed.

Ciyaarta ugu horeysay ee furitaanka tartanka ayaa dhici doonta maalinta Jimcaha, waxaana lagu furi doonaa xulalka kubadda cagta maamulada Banaadir iyo Jubbaland.

Wasaarada ciyaaraha iyo dhalinyarada waxa ay dejisay ciyaartoyda ka kala socda maamul goboleedyada dalka.

Baidoa Media Centre

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh