Sawirro: Madaxweyne Farmaajo oo Ivory Coast kaga qaybgalaya shirka dalalka Midowga Yurub iyo Midowga Afrika

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kaga qayb galaya magaalada Abidjan ee dalka Ivory Coast shirka 5aad ee madasha iskaashiga waddamada Midowga Afrika iyo Midowga Yurub.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa si heer sare ah ugu soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha ee Félix Houphouët-Boigny ee Abidjan Madaxweyne Ku Xigeenka dalkaas Daniel Kablan, Wasiirka Arrimaha Dibadda Marcel Amon Tanoh iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Xukuumadda dalkaas.

Shirwaynaha hoggaamiyeyaasha Midowga Afrika iyo Midowga Yurub oo labo maalmlood socon doona waxaa lagaga wada hadli doonaa mustaqbalka xiriirka labada dhinac, kor u qaadista iskaashiga ee dhinacyada amniga, socdaalka, horumarinta xirfadaha, shaqo abuurka, xuquuqul iinsaanka, dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo maalgashiga.

Inta uu shirkani socdo, Madaxweyne Farmaajo ayaa kulamo gooni gooni ah waxa uu la yeelan doonaa qaar kamid ah madaxda halkaan isugu yimid si loo sii xoojiyo xiriirka iskaashi ee ay Soomaaliya la wadaagto dalalkaas.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah  Yuusuf Garaad Cumar, Xildhibaanno ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka, Safiirrada Soomaaliya ee Midowga Yurub iyo Midowga Afrika iyo La-taliyeyaal.

 

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh