Sawirro: Sheekh Mukhtaar Roobow oo gaaray magaalada Xudur

Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo horay uga tirsanaa hogaanka sare ee Xarakada Alshabaab mudo sanado ahna banaan joog ka ahaa ayaa waxa uu dib ugusoo laabtay magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool isaga oo dhowaanahaanba ku sugnaa magaalada Muqdisho halkaasoo uu kulan kulasoo qaatay dowlada Soomaaliya.

Safarka uu Sheekh Mukhtaar Roobow ku yimid magaalada Xudur ayaa waxaa ku weheliyay wasiirkii hore ee gaashaandhiga Soomaaliya Cabdirashiid Cabdullaahi waxaana kusoo dhoweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Xudur masuuliyiinta gobolka Bakool.

Sheekha ayaan la ogeyn sababta uu usoo gaaray magaalada Xudur balse waxaa deegaano ka tirsan gobolka Bakool ku sugan ciidamo isaga taabacsan ayada oo ay wararka qaarna sheegayaan inuu ku wajahanyahay deegaanada ay ciidamadiisu ku suganyihiin..

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh