Maxamed Mursal Sheekh oo wasiirka gaashaandhiga loo magacaabay iyo wasiirkii Awqaafta iyo arimaha diinta oo xilkii laga qaaday

Ra’iisul Wasaraah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa magacaabey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaashandhigga ,iyadoo xilkii laga qaadey Wasiirkii Diinta iyo Owqaafta Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa sheegay in degreetadaasi ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre lagu magacaabey Wasiirka Gaashaandhiga ee cusub islamarkaana xilkii looga qaadye Wasiirkii Diinta iyo Owqaafta.

Maxamed Mursal Sheekh
Wasiirka cusub ee gaashaandhiga Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  ayaa xilkii Wasiirka Gaashaandhigga  u magacaabey Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, iyadoo sidoo kale isla degreetadaasi xilkii lagaga qaadey Wasiirkii Owqaafta iyo arrimaha diinta Xukuumadda Soomaaliya,Dr Iimaan C/llaahi Cali.

Xilki Wasiirka Diinta iyo Owqaafta Xukuumadda Soomaaliya waxaa sii haynaya Wasiiru Dowlaha Wasaaraddaasi C/xakiin Xuseen Ashkir.

Wasiirka cusub ee gaashaandhiga Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh ayaa horay usoo noqday wasiirkii  Tamarta iyo Biyaha ee xukuumadii hore ee Soomaaliya waxa uu sidoo kalena soo noqday safiirkii ugu horeeyay ee ay Soomaaliya u magacaabato dalka Turkiga wixii ka dambeeyay burburkii dowladii dhexe, sidoo kale wasiirka cusub ee gaashaandhiga Soomaaliya ayaa si weyn uga qayb qaatay qorshihii dib loogu dhisayay qaar ka mid ah kaabayaasha dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho xiligii uu ahaa safiirka Soomaaliya u fadhiyay dalka Turkiga isaga oo si weyna looga yaqaano gobolada Koonfureed ee dalka.

Dr Iimaan Cabdulaahi Cali
Wasiirkii hore ee Awqaafta iyo arimaha diinta XFS

Baidoa Media Centre

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh