Sawirro: Ciidamada XDS oo Alshabaab kala wareegay deegaanka Abiikarow ee gobolka Shabeelada Hoose

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa Maleyshiyaadka Al-shabaab ka Xureeyay deegaan lagu magacabo Abiikarow oo Hoos taga Degmada Marko ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa deegaanka Abiikarow ka weeraray labo jiho halkaasi oo ay ku sugnayeen dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab

Howlgalka Al-shabaab looga Saaray deegaanka Abiikarow ayaa waxaa Fuliyay Ciidamada Ururka 26-Aad Ee Guutada Sadexaad Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Amisom ee ka Howlgala Shabellaha Hoose

Talyaha Ururka 26-Aad Ee Guutada Sadexaad Ee Ciidanka Xoogga Dalka Somaliyed G/Sare Xasan Maxamed Abuukar oo la Hadlay Idaacada Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya iyo kuwa Amisom ay  Al-shabaab ka saareen deegaanka Hoos Yimaada Degmada Marko ee Gobolka Shabellaha Hoose

 

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh