Deg Deg: Muuse Biixi Cabdi oo ku guuleystay doorashadii madaxtinimo ee Somaliland

Guddiga doorashada madaxtinimada Soomaaliland ayaa goor dhaweyd ku dhawaaqay Natiijada doorashada Maamulkaasi.

Waxaana ku guuleystay doorashada 13 kii bishan ka dhacday Soomaaliland Muuse Biixi, sida ay ku dhawaaqeen Guddiga doorashada Maamulkaasi.

Doorashada oo ahayd mid xiiso badan ayaa waxaa ku loo lamay Xisbiga Wadani oo helay Wadani 40.73%, UCID oo helay 4.17% iyo Kulmiye oo ku guuleystay Codad dhan 55.19%.

Muuse Biixi ayaa noqonaya madaxweynaha 5 aad ee Soomaaliland, tan iyo markii ay ku dhawaaqeen in ay ka go’een Soomaaliya inteeda kale Sanadkii 1991-kii.

Sidoo kale madaxweyne ku xigeenka Soomaaliland waxa ku guleeystay Cabadiraxmaan C/laahi Ismaacill “Saylici”.

 

Baidoa Media Centre

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh