Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Maryan Qaasim oo is casishay goor dhow

Wasiirkii Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee xukuumada federaalka Soomaaliya Maryan Qaasim ayaa goor dhowayd ku dhawaaqday inay iska casishay xilkaas ayada oo sheegtay inay gadaal ka faah faahin doonto sababaha ay isku casishay..

Drs. Maryan Qaasim ayaa ka mid ahayd wasiirada sida aadka ah ugu dhowaa madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayada oo ay wararka qaar sheegayaan inay isku dhaceen raisalwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wasiirada.

Wasaarada Gargaarka iyo Musiibooyinka ayaa ah wasaarad ku cusub wasaaradaha Soomaaliya waxaana loogu talagalay in lagula tacaalo dhibaatooyinka xaga gaajada iyo abaaraha kusoo noq noqda dalka Soomaaliya.

Is casilaada wasiirada ayaan la ogeyn waxa ay sababi doonto ayada oo loo badinayo in isku shaandhayn lagu sameeyo golaha wasiirada Soomaaliya.

 

Baidoa Media Centre

 

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh