Sawirro: Raisalwasaare Khayre oo gaaray magaalada Baraawe

Raisalwasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo ay weheliyaan senetaro ka tirsan Aqalka sare, xildhibaano iyo saraakiil ciidan ayaa diyaarad nooca qumaatiga u kacdo ah ku gaaray magaalada Baraawe ee xarunta dowlad goboleedka Koonfur galbeed.

Raisalwasaaraha iyo wefdiga la socday ayaa waxaa magaalada Baraawe kagasii horeeyay kunasoo dhoweeyay madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, gudoomiyaha gobolka Shabeelada Hoose Ibraahim Aadan Cali (Najax) iyo odayaasha dhaqanka gobolka Shabeelada Hoose qaarkood.

Wefdiga raisalwasaaraha ayaa waxaa ka mid ahaa ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating ayada oo ay Xarakada Alshabaab dhowr madfac kusoo weerartay garoonka diyaaradaha Baraawe ka hor imaatinka raisalwasaaraha ayada oo ay madaafiicdaasi qaarkood kusoo dhaceen nawaaxiga garoonka.

Xasan Cali Khayre, raisalwasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa kala hadli doona saraakiisha ciidamada iyo maamulka gobolka Shabeelada hoose diyaargarowga loogu jiro dagaalka ka dhanka ah Xarakada Alshabaab.

 

Baidoa Media Centre

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh