Dowlada Soomaaliya oo cambaareysay madfacii ay Xuutiyiinta Yemen ku tuureen magaalada Riyadh ee dalka Sacuudiga

Dowlada Soomaaliya ayaa si xoogan u cambaareysay gantaal ay dhowaan Xuutiyiinta Shiicada Yemen ku rideen magaalada Riyadh ee dalka Sacuudi Carabiya ayada oo ay ciidamada cirka Sacuudiga ka hor tageen gantaalkaas.

War saxaafadeed kasoo baxay wasaarada arimaha dibada ee dowlada federaalka Soomaaliya kuna qornaa luuqadaha Carabiga iyo Ingiriiska ayaa si xoogan loogu cambaareeyay weerarkaas.

Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay inay bar bar taagantahay dowlada iyo shacabka Sacuudiga kalana shaqayn doonto arimaha amaanka iyo la dagaalanka argagaxisada.

Hoos ka akhriso war saxaafadeedka kasoo baxay xukuumada Soomaaliya.

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh