Sawirro: Madaxweyne Farmaajo oo booqasho ku tagay xarunta wasaarada gaashaandhiga Soomaaliya

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kula kulmay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Wasiiru Dowlaha Wasaaradda ahna Kusimaha Wasiirka iyo Saraakiisha ugu sarrayso Ciidanka Xoogga Dalka.

Madaxweynaha ayaa dul istaagay abaabulka ugu dambeeya ee Ciidanka Xooggu ay ugu diyaar garoobayan dagaalka ballaaran ee Alshabaab lagaga sifaynayo dalka.

Saraakiisha Ciidanka ee uu la kulmay Madaxweynuhu ayaa muujiyey yididiillo iyo kalsooni, iyaga oo tilmaamay in ay durba guula kasoo hoyeen jiidda hore ee dagaalka halkaas oo ay ka xoreeyeen Alshabaab deegaanno ku yaalla Shabeeĺlada Hoose.

Madaxweyne Farmaajo oo khudbad u jeediyey Saraakiisha Ciidanka ayaa kula dardaarmay in ay ka soo dhalaalaan rajada ay ku qabaan Shacabku isla markaasna looga baahanyahay Muwaadin kasta in uu isna garab istaago Ciidanka nafta u huraaya dalka iyo dadka.

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh