Sawirro: Wasiirka amniga Soomaaliya oo Dooxa kula kulmay sarkaalka ugu sareeya dhanka amniga dalka Qatar

Wasiirka amniga xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Abuukar Isloow, oo ku sugan Magaaladda Doha, ayaa halkaasi kula kulmay guddoomiyaha ammaanka guud ee dowladda Qatar, Gen Sacad Bin Jaasim Alkhalifim iyo madaxda sare dowladda Qatar.

Wasiirka Amniga XFS, ayaa madaxdaasi kala hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga dhinaca ammaanka ee labada dhinac iyo arrimo kale oo quseeya dowladdaha Qatar iyo Somalia.

“Waxaan magaaladda Doha kula kulmay guddoomiyaha Ammaanka guud ee dalka Qatar Gen. Sacad Bin Jaasim Alkhalifi & Madaxda sare ee dalka Qatar oo aan ka wada hadlnay xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinaca ammaanka labada dal” wasiir Isloow ayaa Bartiisa facebook-ga sidaasi  kusoo qoray.

Wasiirka ammiga xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Abuukar Isloow, ayaa la filayaa in inta uu ku sugan yahay dalka Qatar inuu la kulmo masuuliyiin sare iyo saraakiil ciidan, islamarkaana uu kala hadli doono siddii dowladda Soomaaliya looga caawin lahaa nabad gelyada iyo qodobo kale.

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh