Deg Deg: Shirkii madaxda DFS iyo kuwa maamul goboleedyada uga socday Muqdisho oo lasoo gaba gabeeyay

Waxaa goor dhow soo idlaaday shirkii qaatay mudada 8da cisho ee u dhaxeeyay madaxda dowlada federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada ayada oo goor dhow la filayo inuu soo baxo warmurtiyeedka shirka.

Waxaa soo baxaysa in laga heshiiyay qodobadii ugu adkaa ee laysku hayay ayada oo ay ka mid yihiin waxyaabaha laga heshiiyay qodobada hoos ku qoran.

Arrimaha Siyaasadda.

In la isku ixtiraamo cid kasta awoodaha uu dastuurka siinayo iyo in la sameeyo xasilooni siyaasadeed,

Arrimaha Amniga

In dib u habeyn iyo dardar gelin lagu sameeyo Heshiiskii Amniga ee Shirkii London, in dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada si wadajir ah u qaadaan duulaan ka dhan ah Al-habaab, in la xoojiyo dhismaha Ciidamada qalabjka sida.

Dastuurka

in Maamul goboleedyada Baarlamanaadooda laga qeyb geliyo dib u eegista iyo dar dargelinta dastuurka, kaddibna loo soo gudbiyo  Hey’addaha Federaalka iyo Guddiyada madaxa banaan ee Dastuurka.

Madaxda ayaa waxay soo dhoweeyeen hanaanka ay u socoto Doorashada Somaliland ee dhaceysa 13-ka bishan November, waxaana ay u rajeeyeen in si nabadgelyo ay ku soo dhamaadaan.

Waxaa ka hadlay munaasabada lagusoo bandhigayay qodobadaan iyo heshiiska la gaaray Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Khayre, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas oo ah Guddoomiyaha Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada iyo wasiirka arimaha gudaha oo halkaas ka akhriyay waxyaabihii lagu heshiiyay.

Goor dhow naga filo warmurtiyeedka oo dhameystiran.

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh