Sawirro: Madaxweyne Farmaajo oo gudoomiyay shirka Golaha Amniga Qaranka

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, ahna Taliyaha guud ee Ciidamada Qalabka sida, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa guddoomiyay Shirka Golaha Amniga Qaranka, oo qodobaddii looga hadlay ay kamid ahaayeen Qorshaha Difaaca Qaranka, dagaalka ka dhanka ah Alshabaab iyo arrimo kale.

Kulanka uu shir guddoomiyay Madaxweyne Farmaajo, waxaa goob joog ka ahaa R/wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Somaaliya, Xasan Cali Kheyre, R/wasaare ku xiggeenka, Mahdi Maxamed Guuleed, Taliyeyaasha Ciidamada qalabka sida, Madaxweyneyaasha Dowlad goboleedyada Soomaaaliya, Wasiirka Amniga iyo Masuuliyiin kale.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane C/raxmaan Cumar Yariisoow oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in shirkan uu yahay kii labaad ee Golaha Amaanka Qaranka  ee  Madaxweynaha uu shir guddoomiyo, isagoo xusay in la isku raacay in  Dowladda Federaalka iyo Maamul goboleedyada ay si wadajir ah ula dagaalamaan  Alshabaab.

Wasiirka, ayaa sidoo kale sheegay in Shirka Golaha Amniga Qaranka lagu ansixiyey Qorshaha Difaaca Qaranka oo Wasaaradda Gaashaandhigga XFS ay soo diyaarisay, sidoo kale waxuu sheegay wasiirka in lagu ansixiyey shirkaasi Guddiga isku dhafka Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed oo ka kooban xubo ka kala yimid Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad goboleedyada Soomaaliya.

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh