War farxad ah: Mid ka mid ah dadkii lagu la’aa qaraxii Muqdisho oo la helay ayada oo bad qabta

Waxaa war farxad leh kasoo yeeray baadi goob loogu jiray mid ka mid ah dadkii lagu la’aa qaraxii ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan isgoyska Zoobe.

Xarunta Qaran ee gar gaarka deg dega oo ah barta isku xiraysa dadka baadi goobka ugu jiro ehelkooda lagu la’yahay nolol iyo geeri ayaa goor dhow waxa ay sheegtay in la helay Sumaya Cali Mire oo ah gabar dhalinyaro ah oo la la’aa tan iyo maalintii Sabtida ee uu qaraxu dhacay.

”Ilaah baa mahad leh Sumaya Cali Mire waa ay bad qabtaa” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo lasoo dhigay barta facebooka ee Xarunta Qaran ee gar gaarka deg dega.

Qaabka iyo halka laga helay Sumaya weli wax faah faahin ah lagama bixin balse waa war farxad leh. In ka badan 300 dad ah oo u badan dhalinyaro arday iskuul iyo jaamacadeed ayaa lagu xasuuqay qarax arxan daro ah oo lala beegsaday isgoyska Zoobe xili uu mashquul ahaa maalintii Sabtida.

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh