Sawirro: Qaar ka mid ah dhaawacyadii qaraxii Muqdisho oo Turkiga loo qaaday

Qaar kamid ah dhaawacyadii qaraxii wuxushnimo ee ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa loo qaaday dalka Turkiga ka dib markii saaka ay timid diyaarad ay leeyihiin militiriga dalka Turkiga.

Ra’iisul wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Khayre, qaar kamid ah xubnaha golaha wasiirada gaar ahaan guddigii loo xil saaray isku duba ridka gargaarka loo fidinayo dadkii waxyeelada soo gaartay ayaa garoonka Aadan Cadde ku sagootiyay dhaawacyada.

Ambulance-yo ayaa dadka dhaawacyada ah looga soo qaaday isbitaalada magaalada Muqdisho, waxaana lagu qaadayaa diyaarad ambulance ah oo aad u weyn, wasiirka warfaafinta Soomaaliya C/raxmaan Yariisow oo kamid ah guddiga ra’iisul wasaaraha uu magacaabay ayaa sheegay in maanta dalka Turkiga loo qaadi doono in ka badan 40 kamid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxii Zoobe.

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh