Wasiirka gaashaandhiga iyo taliyaha ciidamada xooga dalka oo is casilay

Waxaa goor dhowayd is casilay wasiirkii gaashaandhiga xukuumada federaalka Soomaaliya Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed oo la sheegay inay ka dambeysay is casilaadiisa sababo shakhsiyadeed.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdi rashiid Cabdullaahi Maxamed ayaa maanta Kulankii Golaha Wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya khamiislaha ahaa geeyey Waraaq Istiqaalo ah oo Xilka isaga Casilayo, Isagoo Golaha ka codsaday in ay ka aqbalaan Iscasilaada uu dalbaday, waxaana wararka ay sheegayaan in Golaha uu ka aqbalay iscasilaada uu sameeyey Wasiir Cabdi rashiid Cabdullahi.

Is casilaada wasiirka ayaa timid wax yar un kadib markii uu isna is casilay taliyihii ciidamada xooga dalka jeneraal Maxamed Axmed Jimcaale ”Cirfiid” ayada oo loo magacaabay xilkii taliyaha Cabdiweli Jaamac Xuseen Gorod.

Ilaa iyo hada lama oga sababta ay isku casileen wasiirka iyo taliyihiisa.

 

Baidoa Media Centre

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh