Sawirro: Dekedii labaad oo ka baxda gacanta ummada Soomaaliyeed

Ayada oo horay loogu wareejiyay dowlada Imaaraadka Carabta dekeda magaalada Berbera ee maamulka Somaliland, Waqooyi galbeed Soomaaliya ayaa hadana waxaa mar kale shirkada DP World ee dalka Imaaraadka laga leeyahay loo gacangeliyay dekeda Boosaaso ee maamulka Puntland Waqooyi Bari Soomaaliya.

Munaasabad lagu wareejinayay dekeda Boosaaso ayaa ka dhacday gudaha dekedaas ayada oo amaankeedana si weyn loo adkeeyay.

Imaaraadka ayaa mudo 30 sano ah loo gacangeliyay dekeda Boosaaso waxaana lagu sheegay heshiiska labada dhinac DP World iyo Puntland in la dhisayo deked cusub oo uu dhererkeedu yahay 450m islamarkaasna ay ku baxeyso dhismaha dekeda iyo ballaarinteeda dhaqaale dhan 336 milyan oo dollarka Mareykanka ah.

Imaaraadka ayaa mid mid ula wareegayo dekedihii Soomaaliyeed ayada oo laga cabsi qabo inay la wareegaan dekeda magaalada Kismaayo iyo mida Baraawe waxa uuna Imaaraadku si weyn uga shaqeeyay shirkii dhowaan ka dhacay Kismaayo ee ay maamul goboleedyadu ku dhiseen Gole la wareegaya awoodii dowlada dhexe sidoo kalena si weyn u dhaawacaya qaranimadii Soomaaliyeed.

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh