Shirkii Kismaayo oo lasoo gaba gabeeyay iyo war-murtiyeed la filayo inuu kasoo baxo

Waxaa lagusoo waramayaa in lasoo afjaray shir maalmahaan uga socday madaxda maamul goboleedyada dalka magaalada Kismaayo ayada oo ay madaxdu isku afgarteen qodobo dhowr ah.

Qodobka ugu xasaasisan ee ay madaxda qaarkood soo bandhigeen ayaa ahaa in gebi ahaanba xiriirka loo jaro dowlada federaalka Soomaaliya ayada oo qodobkaas laysku mari waayay oo ay madaxda qaar diideen.

Sidoo kale waxaa laysku afgartay in dib loosoo celiyo madashii Wadatashiga qaranka ee jirtay xiligii dowlada federaalka ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhanka kale waxa ay madaxdu isku afgarteen in laga wada tashado arimaha masiiriga ah ee dalka ayna dowlada federaalka iyo maamul goboleedyadu iska kaashadaan dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.

Waxaa la filayaa in shirka lagasoo saaro war-murtiyeed ay ku wada saxiixanyihiin madaxda ka qaybgalaysa shirka Kismaayo ayada oo ay Soomaalida badankeed shaki weyn ka qabaan ujeedka shirkaas.

Dowlada federaalka ayaanan weli ka hadal shirka magaalada Kismaayo balse waxa ay si dhow ula socotaa waxyaabaha ka socda magaaladaas.

Maamul goboleedyada ayaa u muuqda inay fulinayaan rabitaanka dowlada Imaaraadka Carabta oo u aragto Soomaaliya oo xoogeysato mid aanan dan ugu jirin.

 

Baidoa Media Centre

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh