Sawirro+war warmurtiyeed: Shir ballaaran oo ka dhan ah madaxweynaha Koonfur galbeed oo Muqdisho ka dhacay

Shir ballaaran oo ay kasoo qaybgaleen xildhibaanada baarlamaanka Koonfur galbeed, kuwa dowlada federaalka Soomaaliya, siyaasiyiin, wax garad iyo qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah ee deegaanada Koonfur galbeed ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Shirka oo ay ka hadleen masuuliyiin kala duwan ayaa lagagasoo hor jeeday madaxweynaha xilkiisa gudan waayay ee Koonfur galbeed Shariif Xasan kaasoo ay xildhibaanadu ku eedeeyeen inuu dayacay dadka iyo deegaanada Koonfur galbeed dhaqaalihii maamulkana uu u adeegsado safaro 85% wakhtigiisa kuwaasoo aanan wax dan ah ugu jirin Koonfur galbeed.

Madaxweyne Shariif ayaa lagu eedeeyay inuu ku mashquulsanyahay dhaqaale urursi iyo siyaasado isaga u gaar ah islamarkaasna ay dadkii uu metalayay ay lasoo darseen gaajo, cuduro iyo amni daro baahsan.

Dhanka kale, waxaa lagu eedeeyay madaxweyne Shariif Xasan inuu curyaamiyay hay’adaha sharci dejinta Koonfur galbeed beesha caalamkana ay mar hore joojisay mashaariicdii iyo dhaqaalihii ay ugu talagashay Koonfur galbeed.

Hadaba xildhibaanada Koonfur galbeed oo baaq u diray madaxda sare ee dowlada federaalka Soomaaliya, wasiirada lagasoo doorto deegaanada Koonfur galbeed iyo xildhibaanada heer federaal ayaa dalbaday in lagu caawiyo gudashada waajibaadkooda ku aadan wax ka qabashada Shariif Xasan ayada oo uu shirkii maanta u muuqday mid u gogol xaaraya mooshin xilka lagaga qaadi rabo madaxweynaha fashilmay ee Koonfur galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

WAR MURTIYEED

Maanta oo ay taariikhdu tahay 11ka Oktoobar 2017ka, Xildhibaanda maamulka KG ayaa warbixin ay diyaariyeen u diray Wasiirada,Xildhibaanada, Odayaasha Dhaqanka, Siyaasiyiinta, bulshada rayidka ah, culumaa’uddiinka, waxgaradka, Qurba joogta iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ku abtirsata Gobolada Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

Bayaankan oo lagu xusay maamul xumada iyo musqa baahsan ee uu ku kacay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Mudane. Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxaan halkan hoose ku xusayna kuwooda ugu muhiimsan:

1. Madaxweynaha maamulka K/Galbeed mas’uuliyaddiisa waa u adeegida iyo ka shaqaynta danaha shacabka gobollada K/Galbeed, nasiib darro madaxweynaha wuxuu gudan waayay waajibaadkiisa isagoo ku fiirsaday una danqan waayay dhibaatada haysata shacabka uu masuulka ka yahay.

2. Madaxweynaha Maamulka K/Galbeed wuxuu ku bixiyaa lacago aad u farabadan ku duulista diyaaradaha dalka gudahiisa iyo dibediisa isagoo xarunta maamulka ka maqan 85% waqtigiisa, iyadoo wax dan ah ugu jirin maamulka iyo shacabka K/galbeed, halka shacabkii uu magacooda kursiga ugu fadhiyay ay ku habsatay abaaro, gaajo, cuduro iyo colaad iyadoo maalinkasta ay dhimanayaan tiro dad ah, xoolahoodiina u dhamaanayaan Biyo iyo baad la’aan. inta uu ka maqan yahay Baydhaba xarunta maamulka ma jirto Madaxweyne Kuxigeen sharci ah oo waafaqsan dastuurka siinaya awoodihii maamul si aanu u dhicin (Gap) ama firaaq.

3. Madaxweynaha Maamulka wuxuu u horseeday maamul xumadiisa in la joojiyo mashaariicdii iyo dhaqaalihii loogu deeqi jiray maamulka K/Galbeed , halka ay mashaariicdooda horumarineed loo fuliyo Maamul Goboleedyada kale, taas oo sabab looga dhigay inuu maamulkiisa buuxin waayay sharuudihii laga doonayay oo kala ahaa:

a. Kabixida maamulka K/galbeed Kumeelgaarnimada.

b. Dhisiddii hay’adihii Maaliyada iyo isla xisaabtanka.

c. Xisaab celin la’aanta wixii horey loogu deeqay.

4. Iyadoo hubkii uu lahaa maamulka ee loogu tala galay sugida amniga deegaannada iyo gobollada K/Galbeed uu ku wareejinayo kuna hubeynaayo qabaa’ilada qaarkood kuwa kalena laga iibinaayo kooxaha nabad diidka ah, si qalqal loo galiyo nabad galyada deegaanadaas taasoo ujeedadiisu tahay inaan lala xisaabtamin maamulka, laguna mashquulo amni darrada Goboladaa.

5. Gobolka Sh/Hoose oo ah Gobolka ugu muhiimsan wax soosaarka dalka ayaa waxaa ku habsatay colaad aan dhamaad lahey oo ay isku badalaan kooxo magacyo kala duwan sheegta una diiday shacabkii deganaa inay helaan nolol iyo nabad, halkaas oo ka socoto barakicin baahsan oo naxariis laheyn, burburin ilihii wax soo saarka beeraha, Gubid qaar kamid ah guryahii ay deganaayeen iyo biliqaysi hantida ay lahaayeen shacabka degaanka dekanaa, iyadoo qaar kamid ah masuuliyiinta maamulka Koonfur Galbeed ay qayb kayihiin waxa halkaas kasocda, kuwa kalena raali kayihiin dhibaatadaas.

6. Madaxweynaha wuxuu mar walba ku xad gudbaa dastuurka udagsan Maamulka KGS qodobada uu jebiyay waxaa ka mid ah:

a. Qodobka 43 faqradiisa 2aad

b. Qodobka 44aad faqradihiisa 1aad, 2aad, 3aad iyo 4aad

c. Qodobka 48aad faqradihiisa 1aad iyo 3aad.

Gunaanad

Kadib markaan u kuurgalnay abaarta, colaada iyo dhibaatada heysata Shacabka kunool Gobolada K/Galbeed ee Soomaaliya isla markaana uu dayacay Mudane Shariif Xasan Sh. Aadan Mas’uuliyadii ka saarneyd wax u qabashada shacabkaa.

Ka dib markay cadaatey daahfurnaan la’aanta maamulka K/Galbeed ayay hay’adaha iyo Beesha caalamka hakiyeen mashaariicdii iyo dhaqaalihii horey loogu ogolaaday Maamulka.

Kadib markaan aragnay ku xadgudubka Dastuurka iyo sharuucda u degsan maamulka isagoo goorwalba curyaamiya madaxbanaanida hay’adaha Sharci- dajinta iyo cadaalada si aan loo helin isla xisaabtan dhab ah.

Kadib markaan helnay qataraha amni ee ku soo wajahan shacabka gobolada K/Galbeed iyadoo hogaanka maamulkana ku mashquulsan yahay dano dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo isaga u gaar ah.

Hadaan nahay Golaha Wakiilada KGS oo mas’uuliyadoodu tahay la xisaabtanka hay’adaha fulinta iyo Madaxweynaha Maamulka KGS waxaan KA CODSANEYNAA masuuliyiinta heer Federaal, siyaasiyiinta KGS, odoyaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ee halkan fadhida in ay nagu taageeraan gudashada waajibaadkeena dastuuriga ee kuwajahan Madaxda iyo maamulka KGS.

Wabillahi Towfiiq.

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh